DF Soomaaliya oo loo diray baaq la xiriira doorashooyinka iyo amniga

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkii afartii maalmood ee lasoo dhaafay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho uga socday Beelweynta Mudulood kana qeybgaleen 5,000 ergo ah ayaa Khamiista maanta ah lasoo afjray.

War-murtiyeed diiradda lagu saarey xaaladda waddanka ayaa laga soo saarey, kaasoo looga hadlay amniga, siyaasada iyo doorashadda.

Degaanada ay degto ayay ku baaqdey in laga xoreeyo Al-Shabaab, waxaana ay ka digtay in aan dalka lasoo gelin karin ciidamo shisheeye oo aan haysan sharciyad, iyadoo farta ku fiiqdey "xadgudubyo jira".

Xilli ay soo dhaweeyeen go'aanka la isku khilaafay ee Golaha Shacabka kasoo saarey metelaada gobolka Banaadir ah, waxay codsatay in loo dhameystiro hanaanka sharciyeed ee ka haray maqaamka Muqdisho.

"Golaha Horumarinata Danaha Mudulood" oo lagu yagleelay shirkaan ayaa loo xilsaarey "dabagalka" qadiyadaan iyo shirar qabsoomaya.

Dowladda ayay ugu baaqeen in ay waqtigooda ku qabato doorashooyinka 2020-21, waxaana ay ka digeen muddo kororsi "oo sababaeysa qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur, taasoo dhaawaceysa dowladnimada".

Maamuladda, dowladda federaalka iyo xisbiyadda siyaasadda ayay ku booriyeen in ay u turaan shacabka isla markaana ilaaliyaan shuruucda.

Coddeynta soo aadan oo qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod ayaa mugdi galay maadaama xukuumadda aysan u diyaar-garoobin isla markaana ay ka cagajiideyso in ay kala heshiiso saamileyda iyo maamulada.

Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dhamaan colaad-beeleedyadda ka aloolsan qaybo kamid ah degaanadda ay degto beesha isla markaana nabadeyn lagu dhameeyo xaalada dhaliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM