DF Soomaaliya oo "qarineysa" khasaaraha weerarkii Ceel Saliini

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Soomaaliya ayaa qarineysa tiradda askarta ay Al-Shabaab ku dishay weerarkii saldhiga Ceel Saliini, sidda uu shaaciyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa tacsi u diray eheladda iyo asxaabta askartii "ku shahiiday" duulaankaas argagixisaddu ku qaadey.

Sidda ay warisay warbaahinta, ku dhowaad 20 askari ayaa lagu dilay falkaas, iyaddoo madaxda Qaranka aysan ka qeybgelin aaskooda.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo fariin soo dhigay baraha bulshadda ayaa daboolka ka qaadey in xukuumadda federaalka ah ay ku cadaadineyso warbaahinta gudaha in aysan ka hadlin dhacdadaas.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas la dayacay, cadawgana loo baylahiyey.

Tiro 3 jeer ayaa la soo wareeray, iyadoo ay Alshabaab mar walba ciidan caabboon ku soo weerarayeen xerada.

Ma jiro ciidan beddela, ama lagu xoojiyo ciidanka la laayey, sababtuna waa in ciidankii xoogga dalka loo daabulayo in lagu qabsado deegaanno nabad ah oo Alshabab laga xoreeyey.

Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal.

Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin.

Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM