Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka shiray xiriirka Taiwan iyo Somaliland

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Qin Jian.

Farmaajo iyo Danjiraha ayaa "ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha".

"Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha," ayay tiri Madaxtooyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa "la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha".

"Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya," ayay Villa Soomaaliya raacisay.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa "ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go'antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Somaliland iyo Taiwan ayaa todobaadkii hore waxay ku dhawaaqeen heshiis wadashaqeyn iyo is-dhaafsi xafiis wakiileed, waxaana arrintaas si furan uga banaanbaxday dowladda Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM