DF Soomaaliya oo shaacisay sababta baajisay kulankii Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxay soo bandhigtay sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib-u-dhaca ku yimid socdaalka madaxweyne Farmaajo ee caasimadda Kenya ee Nairobi.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka wasaaradaas, ayaa daboolka ka qaadey in faafitaanka Coronavirus uu baajiyey wadahaladii ay yeelan lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Wasiir Cawad oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Somali Cable ayaa daboolka ka qaadey in uusan jirin waqti kale oo ay dhinacyada ku balameen.

Farmaajo ayaa qorshuhu ahaa in uu 26-ka Maaj, 2020 uu u socdaalo magaala madaxda Nairobi si loosii dardargeliyo talaabooyinka lagu hagaajinayo xiriirka mugdiga galay ee labada dal ee deriska ah.

Booqashada la qorsheeyay in uu Farmaajo ku tago Nairobi ayaa ka dambeysay markii uu telefoon ka wacay Uhuru. Warbaahinta waxay warisay in Itoobiya ay ka dambeysay wadahadalkaas telefoonka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qashinka ku dartay sheekooyinka ku saabsan in ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu fududeeyay, balse waxay xaqiijisay in Farmaajo uu kolkii hore la xiriiray dhigiisa Kenya.

Dhanka kale, Cawad oo difaacay Iskaashiga Saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa meesha ka saarey in uu jiro heshiis qoran oo dhexmaray, isaga oo tibaaxay in ay kaliya jiraan is-afgaradyo.

Wallow ay jiraan su'aalo aan wali laga jawaabin, is-afgaradyadda, sida uu ka xusay Cawad, waxay ku saabsan yihiin iskaashi ay dalalka ka yeeshaan ammaanka, xasiloonida iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni karta colaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM