DF Soomaaliya oo taageertay doorashada baarlamaanka HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa durba waxay taageertay doorashadda guddoonka cusub ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle taasoo maanta ka dhacdey magaalada Jowhar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si lamid ah waxaa lagu bogaadiyey guddiga doorashooyinka ee maamulka wada.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya waxa ay u hamablyaynaysaa Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyo iyo Bogaadin u diraysaa Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyey habsamida nabaddgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan".

"Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka HirShabelle ayaa waxaa kusoo baxay xubno ay wadatay Madaxtooyadda Soomaaliya kuwaasoo qaarkood loo boobay kuraasta Xildhibaanimo oo aysan ku qanacsaneyn bulshooyinka ay kasoo jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM