DF Soomaaliya oo u deg-degeysa in ay sheegato sumcada xoreynta Bu'aalle

Image

BAYDHABO, Itoobiya – Boqolaal ciidamo Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2020 soo galay Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Askartan oo lasoo wariyey in aysan qeyb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kasoo gudbaya xadka gobolka Gedo.

Qaarkod ayaa lagu waramay in ay saldhigyo ka sameysteen magaalada Doolow, boqolaal kalena ay ku sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Illaa iyo haatan ma jirto cid shaacisay ujeedadka loosoo daad-gureeyay ciidamadda. Taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka way diideen in ay sharaxaad ka bixiyaan.

Tiradii ugu dambeysay ayaa la rumeysan yahay in ay todobaadkii hore soo galeen degaanadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in ay ku wajahan yihiin gobolka Jubada Dhexe gaar ahaan fariisinka ugu maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ee Ba'aalle.

Bu'aalle ayaa ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu dhankiisa wadaa qorshe iyo abaabul saf-balaaran leh oo xoogaga hubeysan looga saarayo.

Iyaddoo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah, dowlada Farmaajo ayaa u muuqata mid u deg-geysa in ay sheegato sumcada xoreynta Bu'aalle oo la aaminsan yahay in ay joogaan hogaanka sar-sarre ee ururka.

Xiriirka Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa aad u hooseeya, waa arrinta keentay in ololaha qabashada Bu'aale ee labada dhinac uusan isla jirin.

Xukuumadda Addis Ababa ee uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku eedeysan in ay faragelisay doorashadii madaxtinimada Koonfur Galbeed markii ciidamadeeda ay xireen murashax Roobow.

Dowladda Farmaajo ayaa ciidamo geysay qaar kamid ah magaalooyinka Gedo. Jubaland waxay sheegtay in ujeedo siyaasadeed laga leeyahay arrintaas. Tani waxay abuurtay khalkhal amni.

Dowladda Farmaajo oo muda xileedkeeda uu gabaabsi yahay, shaki balaaranna laga muujinayo in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah ayaa horey ugu guuldareystay in ay soo afjarto dagaalka ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM