"DF ka yeeli mayno in Galmudug ay madax uga dhigto Al-Shabaab"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dooneyso in ay Galmudug ka dhigto "xaafad ka tirsan Muqdisho".

Madaxa xukuumada Galmudug ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in xukuumadu dooneyso in maamulkaas ay madax kaga dhigto "shaqsiyaad looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo".

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxay kaloo dooneysaa in ay Galmudug madax kaga dhigto dad laga keenay Muqdisho," ayuu hadalkiisa ku daray.

Shaakir, oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da, ma uusan magacaabin dadka uu la xiriiriyey maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Baarlamaanka haatan ka jira Galmudug ayuu ku qeexay "mid leysku haysto oo dhan kasta ay eed kaga taalo" isla markaana la doonayo in xalka arrintaas laga talageliyo saamileyda.

Isagoo sii hadlaya, Sheekh Shaakir ayaa raaciyey "ma jirto wax tanaasul ah oo dowladdu noo sameysay, ma jiro hal shey oo maamulka meesha ka jira soo dhaweeyay oo dowladdu ka tanaasuahay".

"Dowladda federaalka waxay Xildhibaanada kusoo xushay 'qof Ahlu Sunna xiriir la leh naga ilaaliya' dadka aan xiriirka nala lahayna waa Shabaab waa la og-yahay," ayuu xusay.

Wuxuu tibaaxay: "Dowladda federaalka ka yeeli mayno, bulshada Galmudug ka aqbali mayso, cid xiriir la leh Shabaab ama lagu tuhmayo Shabaab in ay degaankan madax ka noqoto".

Hadalka kasoo yeeray Shaakir ayaa kusoo aadaya iyaddoo khilaaf ba'an oo kasoo dhex-cusboonaadey Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka uu gaarey meeshii ugu sareeyay.

Murankaas ayaa ka dhashay hanaanka soo xulista baarlamaanka iyo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka oo laysku qabtay cidda hogaan u noqoneysa.

Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay Villa Soomaaliya in ay "maroor-satay" hanaanka doorashada, isla markaana ay dooneyso in ay kusoo saarto murashax tabaacsan.

Ugu dambeyntii, Shaakir ayaa war qoraal ah oo u diray Beesha Caalamka ku sheegay in ay soo farageliyaan xaalada oo uu sheegay in hadii aanan wax laga qaban ay maamul gaar ah dhisan doonan.

MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM