"DF waxay xoog ku askareyneysaa wiil aan agoonimo ku koriyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hooyo Soomaaliyeed ayaa kashiftay in cunug ay dhashay si qasab ah Dowladda Soomaaliya ugu qaadeyso dalka Qadar si uu u soo qaato tababar ciidan oo aysan raali ka lahayn.

Shamso Faarax, oo u warantay talafishinka Universal Tv, ayaa xustay in Maxamed Xasan uu yahay wiilka kaliya oo ay dhashay.

"Cunugeyda askarnimo uma rabo. Farmaajo isagaa madaxweynihii Soomaaliya ah cunugeyga ha isiiyo," ayay cod dareen leh ku tiri.

Xasan, oo da'diisa lagu qeexay 18-sano jir ah, ayaa qoyskiisa ka maqan 14-cisho, waxaana la tibaaxay in uu ku sugan yahay xero ciidan oo ku taala Muqdisho loona diyaarinayo safar dibadda ah.

"Marka hore Eritrea ayaa loo waddayaa laa laygu yiri, haddana waxaa la leeyahay Qadar ayaa loo waddayaa. Cunugeyga agoonnimo ayaan kusoo korsaday, aniga askari ma rabo," ayay tilmaamtay.

Maamadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa daaha ka rogtay in shaqsi aysan magacaabin uu "tashkiiliyey" Maxamed Xasan "oo aysan ku ogayn nolol iyo geeri".

"Xoogaa loo watay, aniga ma geysan, ehelkeyga ma geynin. Cunugeyga ninnaa maskax saarey, xoogaa leyga haystaa," ayay caddeysay.

Inkastoo aysan magacaabin cidda arrintaas ka dambeysay, sidda laga soo xigtay hooyo Shamso Faarax, in ay dib u aragto Maxamed Xasan waxaa shuruud looga dhigay bixinta todoba boqol oo Doolar.

"Aniga waa xakaarey [dhibtoodey]. Ra'iisul Wasaare Khayre iyo madaxweyne Farmaajo ha i siiyaan cunugeyga. Beer wax dhalay ayaan ahay cunugeyga askarnimo uma rabo," ayay ku adkeystay.

Bilooyinkii lasoo dhaafay aad ayey u xoogeysanayeen eedeymaha ka dhanka ah dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan in dalka Qadar si qarsoodi ah loogu soo tababarayo mukhaabaraad dharcad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM