DFS: Kenya waxay qarka u saaran tahay in ay ka baxdo dacwada badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Kenya ayaa qarka u saaran in ay isaga baxdo dacwadda badda, sidda uu sheegay Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr Axmed Cali Daahir.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa ku warameysa in Mr Daahir uu hadalkan sheegay kadib markii uu war-fidiyeenka la hadlay.

Dhawaqan cusub ayaa kusoo beegmaya xili xukuumadda Nairobi ay codsatay dhowaan in muddo 12-bilood ah dib loo dhigo dhageysiga kiiskan si ay u soo qorato qareeno cusub oo difaaca.

Soomaaliya oo si cad uga soo horjeesatay dalabkaasi ayaa waxay ku tilmaamtay "mid dhibaato qoto dheer leh oo dhaawacaya geedi u socodka nidaamka garsoorka".

Marka laga soo tago sheegashadda Axmed ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan in ay isaga baxayaan gebi ahaanba gal-dacwadeedkan.

Maxkamadda ICJ oo aanan wali ka jawaabin soo jeedinta Kenya ee hakinta dhageysiga galkan ayaa horey u muddeysay 9-ka bishan September oo ku beegan Isniinta soo aadan.

Wakiilada dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ku meteli lahaa doodan ayaa iska xaadirinaya magaaladda Hague ee Holland, si ay isugu daba ritaan doodooda.

Kiiskan oo soo bilowday bishii August 2014-kii ayaa wuxuu xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey labadda dal ee deriska ah xili loogu baaqayo in ay ka dhowr-sugaan go'aanka ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM