DFS oo ka warbixisay dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

CEEL LAHELAY, Soomaaliya - Deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan gobolka Mudug ee Galmudug ayaa waxaamaanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo Al-Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta DFS ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga dilay in ka badan 30 xubnood, sidoo kalena la burburiyay hanti badan ay lahaayeen oo ay ku jiraan gaadiid iyo hub.

Iska horimaad xooggan ayaa ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhaxmaray deegaanada Sargo iyo Qodqod, waxaana dagaalkan uu ka bilowday weerar xooggan oo ka dhacay deegaanka Qodqod oo ku dhow magaalada Camaara.

Dowladda ayaa uga mahadcelisay shacabka ku taageeraya ciidamada qaranka dagaalka ay kula jiraan kooxda ‘AS’.

Shalay ayey aheyd markii ay kooxda AS soo weerareen deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud dagaalkaas ka dhashay khasaare isugu jiran naf iyo maalba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM