DFS oo la wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Camaara

Image

CAMAARA, Soomaaliya - Ciidanka Qaranka oo kaashanaya kuwa deeganka ayaa ku guuleystay inay gabi ahaanba la wareegaan gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Camaara, sida ay dhawaan shaacisay Warbaahinta Dowladda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al- Cadaala oo ku sugan magaalada ayaa xaqiijiyay warkan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay howlgalkaasi sida uu sheegay. Waxa uuna sheegay muhiimadda ay guushani u leedahay xoojinta ballan-qaadka dawladda ee ku aaddan dib u xorreynta dalka.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa ka awood roonaaday kooxda Al-shabaab oo maalmahan looga adkaaday dhamaan deegaanada hoos yimaada Magaalada Camaara, iyagoo soo afjaray wax kasta oo iska caabin ah oo ay AS kala kulmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM