Dhageysiga dacwad ka dhan ah askar loo haysto weerar oo lasoo afjaray

Image

BELEDXAAWO, Jubaland – Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay soo gabagabeysay dhageysiga gal-dacwadeed ka dhan ah shan askari oo ka tirsanaa Taliska Ciidamada Milatariga magaalada Beledxaawo.

Eedeysaneyaasha ayaa kala ah; Cabdi Cumar Cabdi [Aaabow], Maxamed Aadan Xasan [Antooniya], Haaruun Cabdiraxmaan Xuseen [Abaabulaha] iyo Cabdiqaadir Minji Cabdulle [Qalbi dhagax] iyo Ibraahim Faarax Maxamuud.

Xafiiska xeer-ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa kusoo eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar dhacay 7-dii bishaan September.

Weerarkaas lagu beegsaday saldhiga booliska Beledxaawo ayaa sababay dhimashadda hal askari oo bileys ah, iyo dhaawac mid kale.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, weerarka wuxuu ka dambeeyay markii Haaruun uu ka dhega-adeegay in uu ka dego Mooto Bajaaj uu la socdey taasoo mareysay bar kontarool oo bileyska ka sugayey ammaanka isu soo bax.

Haaruun ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu yahay maskaxda ka dambeysay hujuumkaas. Dhamaantooda way beeniyeen eedeymaha.

Askariga shaqaaqadaas ku naf-waayey waxaa lagu magacabaa; Saciid Cali Mursal halka midka dhaawaca ah la yiraahdo Maxamed Cabdi Aadan.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ka codsaday xeer-beegtada in ay dil toogasho ku xukuntay eedeysaneyaasha "maadaama ay diideen in ay iska soo dhex-saaraan qofkii ka dambeeyay dhimashadda iyo dhaawaca askarta".

Qareenkooda oo dalbaday in lagu xukumo magta iyo daaweynta dhibaneyaasha ayaa cuskaday in aysan jirin caddeymo loo gudbiyey maxkamada.

Gudoomiyaha maxkamada ciidanka, Xasan Cali Nuur [Shuute] oo soo afjaray fadhiga maxkamada taasoo lagu qabtay xero ku taala duleedka Beledxaawo, ayaa wuxuu ka dhawaajiyey in ay dhowaan soo saari doonan xukunka kiiskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM