Dhageysiga kiiska laba eedeysane oo kusoo idlaatay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dhageysiga gal-dacwadeed ka dhan ah laba eedeysane ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu soo afmeeray Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Maxamed Cabdi Cabdiraxmaan ayaa la qabtay 23-kii May xili uu damacsanaa in uu isku qarxiyo kulan ay Ahlu Sunna ugu baroor-diiqeysay xubno kaga dhintay dagaalka Al-Shabaab.

Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha ugu sareeysa ururka Ahlu Sunna ayaa ka qabsoontay magaaladda Guriceel oo uu ka dhacay iska hor-imaadka ugu badan.

Cali Dhubad Nuure Siyaad oo sidoo kale maxkamadda kasoo muuqday ayaa dhankiisa waxaa si gaar ah loogu soo eedeeyay in uu kaalin ka qaatay isku dayga weerarka fashilmay.

Dacwad-oogeyaasha ayaa dalbaday in eedeysaneyaasha lagu xukumo ciqaabta u dhiganta fal-dambiyeedka uu la damacsanaa shacabka aan waxba galabsan iyo mas'uuliyiinta.

Qareenadda difaacayey oo fursad la siiyey ayaa dhankooda waxay cod dheer kusoo jeediyeen in loo naxariisto eedeysaneyaasha.

Garsooreyaasha Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya oo kiiska gacanta ku haysa ayaa waxay tilmaameen in xukunka ay kusoo saari doonan qaab qoraal ahaan, maalmaha soo aadan.

Cabdiraxmaan oo la sheegay in uu gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya kasoo jeedo ayaa ka tirsan Al-Shabaab, waxaana fashiliyey is-qarxintiisa askari ka tirsan Ahlu Sunna oo isku duubay.

Askariga oo ilaalada gaarka ah ee hogaanka Ahlu Sunna ka tirsan kaasoo muddo todobaadyo ah haysta baraha bulshadda ayaa waxaa lagu abaalmariyey dalacsiin iyo bilad sharafeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM