"Dhaliisha uu Farmaajo ku leeyahay" shacabka lagu toogtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu ku dhaliilay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo "in uu ka aamusay" shacabkii askariga booliska uu ku dilay Muqdisho.

Siyaasiga oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa garab istaag u muujiyey qoysaska ay dhibaatada ku haysabatay.

"Aad ayey u dhaqaajinaysaa dareenka ruux kasta oo damiir iyo dadnimo leh cabashada ciilka leh ee ay inantani ku cabirtay in wiilashii walaalaheed ahaa ee dulmiga ka difaaci lahaa ay furamaha dagaalka jiraan," ayuu ku yiri qoraal dheer oo ay ka fal-celiyeen dad badan.

Wuxuu raaciyey: "Shacabka Muqdisho ee xalay iyo maanta isku soo baxay waxay si toos ah fariintooda ugu wajaheen madaxweynaha, carada falceliskoodana sawiradiisa ayey kala dul dhaceen".

Labada muwaadin oo kala ahaa haweenay umul ahayd iyo wiil aroos isku diyaarinayey ayaa toogtay xilli ay soo afureen kuna nasanayeen banaanka hoygooda. Askariga dilay wuu xiran yahay.

"Hadda ka hor markii darawalada Bajaajleyda isku soo baxeen, madaxweynuhu wuxuu ku goodiyey in uu qaran dumiska gacan bir ah ku qabanayo. Maantase wuu ka aamusay dilkii waxshinimada lahaa ee Madiina Cali C/lle iyo wiilkii kale ee dhalinyarada ahaa," ayuu Warsame xusay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo kusoo gabagabeeyay: "Waxaan shaki lahayn haddii uu sii socdo dulmiga shacabka Muqdisho lagu hayo iyo goodiska iyo is moogaysiiska madaxweynaha, in isku soo baxa kan xigi ay ku soo biiri doonaan wiilasha furumaha jira oo ka damqanaya dulmiga hablahooda lagula kacayo iyo dad kaloo badan oo dulqaadku ka dhamaaday".

Askrta dowladda Soomaaliya ayaa ku lug-yeesha falalka noocaan ah oo ay ka dhashaan banaanbaxyo iyo carro xoogan oo shacabku muujiyo, waxaana xukuumadda jawaabteeda lagu sifeeyay "mid aad daciif u ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM