Dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Dib-u-heshiisiinta qaranka iyo deyn cafinta ayaa kamid ah arrimaha lagu soo qaadey kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka Bulshada ee Midowga Yurub, Thomas Kieler.

Madaxda ayaa, sidda uu shaaciyey xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe, waxay ahmiyada koowaad siiyeen arrimaha bini'aadantinimo ee dalka, dhammeystirka dib u eegista dastuurka.

"Thomas Kieler ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ku ammaanay kaalinta bulshada ee ku aaddan arrimaha dib u heshiisiinta qaranka, iyadoo kulanka lagu soo hadal qaaday in dhowaan ay baarlamaanka soo booqan doonaan wafti ka socda Barlamaanka Midowga Yurub. Sidoo kale waxay Guddoomiyaha uga mahadceliyeen shuruucda Golaha ansixiyay ee taageeraya amniga dalka iyo deyn cafinta," ayay raaciyey.

Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

"Kulanka ayaa looga hadlay arimaha Qaxootiga Soomaliya ee dibada ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo barakacyaasha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM