Dhaqaalaha Soomaaliya oo la filayo inuu kobac sameeyo sanadkan 2024

Image
Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka ayaa sheegtay in ay tani ka dhalatay dib-u-habeyn ay ku sameysay nidaamka maaliyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay koror ku yimid dakhliga gudaha, iyadoo weli dalka uu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, kaddib markii dhawaan hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda ay ka cafiyeen deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororkani uu ka dambeeyay markii dib u habeyn lagu sameeyay siyaasadda maaliyadda, maamulka maaliyadda dowladda, iyo awoodda soo saarista dakhliga; iyo soo bandhigida dakhliga si casri ah.

Cige waxa uu tibaaxay in dib-u-habayntu ay kordhisay dakhliga boqolkiiba 25 bil kasta, siddeedii bilood ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay Cige, Soomaaliya waxay sidoo kale filaysaa kobac dhaqaale boqolkiiba 3.7 sanadkan, marka la barbar dhigo 2.8 boqolkiiba sannadkii hore.

Dalalka ku midoobay Paris Club ayaa ka cafiyey Soomaaliya deyn gaareysa $5 bilyan taas oo ka dambeysay markii dalka uu buuxiyay sharuudihii looga baahnaa oo u badnaa kuwa la xiriira nidaamka maaliyadda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM