"Fadeexadii" u horeysay oo lala xiriiriyey guddiga doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka ku eedeeyay kala jabka guddiga maamulaya xulista wakiilada maamulka gooni-isu-taaga ah ee Somaliland.

Maxamed Cirro ayay xuseen in uu ka baxay dhexdhexaadnimada. Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayay cod dheer kaga dalbadeen in uu soo farageliyo xalka khilaafkan.

Wasiirkii hore ee warfaafinta ahna mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin guddi eex sameeyay.

"Waxaan Caddeyneynaa in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cirro uu u dhaqmay si mas'uuliyad darro ah oo aan kalsooni lagu qabi-karin waayo guddigii SEIT ee Soomaaliland isagaa kala jabiyey," ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaan Cabdifitaax oo kamid ah sharci-dejiyeyaasha shirka jaraa'id ka hadlay ayaa su'aal geliyey dhexdhexaadnimada guddoomiye Cirro haddii ay la safteen dhinac kamid ah garabyada is haya.

"Waxaad cabirtaa guddoonka si caddaalad ah u qaban kari waayey doorashada 8-xubnood ma u maleyneysaa inay maamuli karaan doorashada 329-xildhibaan oo 5-maamul-goboleed, Somaliland iyo gobolka Banaadir ka kala dhacaysa," ayuu xusay.

Dhanka kale, guddoomiye Cirro ayaa illaa haatan wuxuusan ka jawaabin eedeymaha kaga timid mudaneyaasha gobolada waqooyi. Isku dayo warsidaha Garowe Online ku doonayey in uu ku. helo guddiga ma guuleysan.

Is-qabqabsiga ka taagan guddiga doorashada gobolada waqooyi oo kalkii hore lagu xaliyey qaab siyaasi ah ayaa u muuqaneysa in ay noqoneyso utin kale oo dib-u-dhac ku keeni karta jadwalka loo qabtey doorashooyinka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM