Dhimashada Shaqaale katirsan Hay'adda Duulista hawada oo muran ka dhaliyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Geerida sarkaal ka tirsan duulista hawada Soomaaliya ayaa mar kale colaad horleh ka dhalisay Soomaaliya, iyadoo maamulka gooni isu taaga Somaliland uu shaki ka qabo in uu yahay fal xun, isla markaana uu dalku la daalaa dhacayo colaado gudaha ah oo uu ka mid yahay heshiiskii muranka dhaliyay ee ay dhawaan wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, ayaa lagu sheegay inay si degdeg ah dib u eegis ugu samaynayso xaaladda shaqaalaha Somaliland ee wakhtigan ka hawl-gala Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa barnaamijkii wakhtigaas lagu ilaalinayey Duulista Hawada ee ay samaysay ICAO sida lagu sheegay war ka soo baxay Somaliland TV.

Hadalkan ayaa imaanaya xili dhawaan ciidamada Booliiska magaalada Muqdisho ay ka soo saareen meydka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, balse ku dhashay Somaliland. Booliska ayaa sheegay in lix qof oo laga shakisan yahay la xiray, baaritaanna uu socdo.

Saraakiisha Somaliland oo aan wax caddayn ah ka bixin, ayaa dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambaysay geeridii shaqaalihii ka tirsanaan jiray Duulista Hawada oo Axaddii maydkiisa laga helay guri ku yaalla Koonfurta magaalada Muqdisho.

Waxaa VOA la soo xiriiray, wasiir ku xigeenka warfaafinta Abdurahman Yusuf Al-Caddala, wuxuu sheegay in booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaan ayna soo qabteen eedaysane; ayaa sheegay in dowladdu ay sugi doonto natiijada baaritaankaas ka hor inta aysan faallo bixin.

War uu Garowe Online arkay ayaa muujinaya in marxuumka laga helay hoygiisa oo ku yaala xaafadda Ceel Qaalow ee degmada Wadajir. Muuse, 32 jir, waxa uu ku dhashay Gebilay, waqooyi-galbeed [Somaliland], waxaanu ka soo shaqeeyay Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay isku dhacsan yihiin maamulada ka jira deegaanada maamulka Somaliland oo dhawaan heshiis la saxiixday Itoobiya. Heshiiskan oo tafaasiil la helay ayaa tilmaamaya in Itoobiya ay heli doonto 20 KM oo Badda Cas ah oo ay ku beddesho aqoonsiga Somaliland ee qaranimadeeda.

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM