Dhimashada Toogashada Las Vegas oo gaartey 50

Image

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 200 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob uu ka socday bandhig faneed, magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.

Madaxa booliiska degmada Clark Joseph Lombardo ayaa sheegay in laba sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarka.

Lombardo ayaa sidoo kale sheegay in ninka weerarka gaystay la dilay.

Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in ninka weerarka gaystay oo lagu magacaabi jira Stephen Paddock, uu ahaa kaligiis oo aysan cidna wehlin, hase yeeshee waxaa la baadi goobayaa qof ay qol wada deganaayeen.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Bay, halkaasi oo uu dadka kasoo toogtay asaga oo wata qori nooca daran dooriga u dhaca ah.

Stephen Paddock ayaa dagaal dheer kadib la toogtey, waxaana Boolisku ay shaaciyeen in ninkan uu yahay Muwaadin Mareykanka ah, islamarkaana uusan wax xiriir ah la laheyn Argagaxisada.

Dad dhaawaca ah oo kor u dhaafaya 100, ayaa qaarkood la rumeysan yahay in xaaladdoodu ay halis tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas ka badato.

GO + VOA

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM