Dhul-boob lagu eedeeyay dowladda oo ka socda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dhul-boob ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa wuxuu ka socdaa magaalada caasimada ku meelgaarka u ah dowlad goboleedkaas ee Kismaayo, sida uu fahansan yahay bogga Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinada, talaabada shacabka dhulka looga qaadayo ayaan ku dhisneyn dan guud, waxaana lagu wareejinayaan ganacsato maxaliya.

Dad ku sugan Kismaayo oo la hadlay warsidaha GO ayaa sheegay "in maadaama awood sheegasho ku saleysan tahay dhul-boobka mararka qaar waxaa ka dhasha iska hor-imaadyo horseeda khasaaro dhimasho iyo dhaawac".

"Dhulalkii u dambeeyay ee la boobay waxaa kamid ah mid ku yaala Koonfurta magaalada  wadada garoonka diyaarada Kismaayo aada." waxaana arrintaas ka dhashay iska-hori-imaad dhexmaray ciidanka hogaanka Axmed Madoobe iyo dadkii dhulka laga xoogay," ayuu yiri qof xog ogaal u ah xaaladda.

Wararka qaar oo laga helayo illo wareedyo ka tirsan maamul goboleedka ayaa sheegaya in madaxwayne Axmed Maxamed Islaam iyo wasiirka arrimaha gudaha Jubaland, Maxamed Warsame Darwiish, ay isku maandhaafeen dhul-boobkaas.

Maamulka Axmed Madoobe oo kaliya si buuxda gacanta ugu haya magaala xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan dhul-boob ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiin xilka haya iyo dad kale oo ku xiran maamulkiisa.

Dhul-boobka oo si weyn looga soo wariyo gudaha Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa maamulka Axmed Madoobe waxaa lagu dhaliilaa in uu ku fashilmay in uu talaabo u qaado sidii xal waara loogu heli gaari lahaa, lagulana xisaabtami lahaa dadka ku lug leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM