Dib u dhac ku yimid inuu Gollaha Shacabka anisixiyo sharci cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Gollaha Shacabka Baarlamaanka ayaa maanta oo Arbaco ah Muqdisho ku yeeshey Fadhigii 28aad oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad xili uu shir gudoomiyay ku xigeenka labaad ee Aqalka Hoose.

Kulanka waxaa soo xaadirtay 141 mudane kuwaasi oo loo mariyay akhrinta saddexad sharciga Hantidhowrka qaranka, kaasi oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda uuna horkeenay Gollaha Guddhiga maaliyadda.

Sharci-dejiye Dr Cilmi Maxamed Nuur, oo kamid ah Guddiga oo sharaxaad ka siiyay xubnaha Gollaha Shacabka ayaa sheegay inay qodobada wax ka bedalka lagu soo sameeyay ay yihiin kuwii ay Mudanayaasha su’aasha geliyeen.

Intaasi kadib, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha, Mahad Cabdalla Cawad ayaa shaaciyay in dib loo dhigay meel-marinta sharcigaan isaga oo sababta ku sheegay in Xildhibaanada ay faarujiyeen kuraasta waqtiga coddeynta.

“Xildhibaanadda waxaan ka codsaneynaa inay dhameystaan kulamadda ay soo xaadiraan,” ayuu yiri Cawad, kaasi oo ku booriyay xubnaha wakiiladda Shacabka inay waajibaadkooda u gutaan si hagaagsan.

Gabagabadii, gudoonka Gollaha ayaa iclaamiyay in maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo aadan codka loo qaadi doono sharcigaan oo muhiim ah, waxaana uu faray Xildhibaanadda inay kulankaasi isku soo diyaariyaan.

Xeerkan oo soo marayay saddex marxladood oo kala ah; akhrinta 1aad, 2aad iyo 3aad ayaa maanta uu baaqday in la meel mariyo, kadib markii fadhiga ay soo xaadiri waayeen kooraamkii loogu codeyn lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM