Dib-u-dhaca doorashadda Aqalka Sarre oo laga arrin-saday

Image
Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ku kulmay aalada maqal iyo muuqaalka ayaa "isla qaatay dardargelinta" xulista Senator-ka. [File photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda golaha wadatashiga qaranka oo maanta ku shiray aalada fogaan aragga ayaa "isla qaatay in la dardar geliyo doorashadda Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah".

Kulankan ayaa ka dambeeyay markii maanta mar kale dib-u-dhac uu ku yimid doorashadda xubnaha Senate-ka oo qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka Julaayo, 2021. Lama ogga waqtiga xiga ee la daahfurayo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu caddeeyay in Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda "ku booriyey in ay si dhaqsaha u qabtaan" xulista Senataradda.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga  kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkan oo lagu faafiyey ciwaanka xafiiska ee barta Facebook ayaa la raaciyey: "Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS [baarlamaanka federaalka Soomaaliya]".

"Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Ciidamadda Galmudug oo taageero ka helaya kuwa xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay koonfurta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM