​Dibadbax ka dhashay ugaas lagu xiray Guriceel

Image

Ciidamada maamulka Ahlusunna wal-Jameeca, ayaa maanta xabsiga dhigay mid kamid ah duub dhaqameedka gobolka Galgaduud, waxaana arrintaasi keentay dibad bax ay sameeyeen shacabka ku dhaqan degmada Guriceel.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur, ayaa la xiray xilli uu kusii jeeday magaalada Muqdishu, waxaana xariggiisa loo aanaynayaa arrimo dhawr ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ugaaska guud ee beesha Cayr uu magaalada Muqdishu ugu socday arrimo ku saabsan soo xulista Xildhibaanada isagoo qorshaynayay inuu tago degmada Cadaado.

Balse, maamulka Ahlusunna ayaa Ugaaska ka dalbaday inuu Xildhibaanada kasoo xulo degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, halkii uu kasoo xuli lahaa degmada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Ugaaska, ayaa saacad kadib xorriyadiisii helay, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay sababta loo xabisay.

Guud ahaan dalka Soomaaliya, ayaa laga dareemayaa loollanka loogu jiro aqalka sare iyo kan hoose ee Barlamanka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM