Diblumaasi hore oo lagu dhex-dilay xeradda Xalane ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diblumaasi hore iyo mid kamid ah gabdhaha u ololeeya arrimaha haweenka ee ugu caansan Soomaaliya ayaa lagu dhex-dilay xerada xalane ee Muqdisho.

Almaas Elman Axmed Cali ayaa la sheegay in ay haleeshay rasaas ka dhex-dhacday xerada Xalane oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah safaaradaha ugu waaweyn ee wadamada caalamka.

Illaa iyo haatan fahfaahin buuxda lagama bixin qaabka ay u geeriyootay Almaas, waxa keenay rasaasta iyo cidda ay ka timid xabadaha dhaliyey in ay dhimato gabadhan Soomaaliyeed.

Marxuumada ayaa waxay kasoo mid ahayd howladeenadda safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya. Sanadihii u dambeeyay waxay u xuub-siibatay dhanka ololaha xuquuqda haweenka.

Qoyska Elman oo caan ka ah gudaha Soomaaliya ayay ka tirsaneyd. Ilwaad Elman ayay walaalo yihiin taas oo ka shaqeysa Qaramada Midoobay madax-na ka ah Elman Peace.

Elman ayaa sanadkan 2019 waxay kamid ahayd shaqsiyaadkii u sharaxnaa ku guuleysiga abaalmarinta nabadda oo uu ku guuleystay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Geerida Almaas oo lama filaan noqotay ayaa waxaa durba tacsi ka diraya qaar kamid ah madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya kuwaas oo reerkeeda u rajeynaya bedel wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM