Digniin laga soo saarey Bandhig Faneed lagu qabanayo Muqdisho [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin culus kasoo saartay Bandhig Faneed lagu wado in 20-ka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’adda oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Bandhig faneedka kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid lidi ku ah diinta Islaamka.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in mas'uuliyiin katirsan dowladda ay abaabulayaan fasaadka, oo ay Muqdisho kusoo dhaweynayaan Fanaaniinta faafinaya "Faaxishada iyo Fisqiga" lagu fasaadinayo Umaadda iyo Diinta.

Sheekh Bashiir ayaa soo qaatey Aayad Qur'aan ah oo oranaysa: "Kuwa Jecel in Ummada Muslim-ka ah ay dhexdeeda ku faafto Faaxishada iyo Foolxumada ay Cadaab ayay leeyihiin Aduun iyo Aakhiraba."

Gudoomiyaha Culimada ayaa ugu baaqay shacabka, gaar ahaan Dhalinyarada inaysan qeyb ka noqon dagaalka ku wajahan ALLE iyo Diintiisa, islamarkaana lacagtooda ku iibsan carada ALLE iyo cadaabkiisa.

Sheekh Bashiir ayaa ku booriyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan ummada u horseeday xumaanta ay wadaan Wiilal dhaqan xun iyo Gabdho jirkooda qaawinaya.

Hadalka Culimada ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii Talaadada ay soo gaartey Muqdisho Fanaadada lagu magacaabo Kiin Jaamac, oo qurbaha uga timid inay Bandhig faneed qabato, iyadoo ay soo dhaweeyeen madaxda maamulka gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM