Digniin laga soo saarey falal amni daro oo "ka dhici kara" Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muqdisho waxay bilooyinka soo socda wajihi kartaa weeraro horleh oo Al-Shabaab fuliso hadii aan xal loo helin is-mari-waaga siyaasadeed ee doorashooyinka, sidda ay sheegeen khuburo.

Tan iyo bilowgii bishaan August ama si kale hadii loo dhigo tan iyo markii baarlamaanka kalsoonida uu ugala noqdey xukuumad qaab muran dhaliyey, caasimada waxay martigelisay taxanayaal qraxyo ah.

Xeeldheereyaasha ammaanka oo xusay in la beegsan karo goobaha dadka ku kulmaan ayaa saadaalinaya in argagixisada ay isku dayeyso in ay ka faa'iideysato mashquulka badan ee siyaasadda.

Cabdiraxmaan Tuuryare, taliyihii hore ee NISA oo kamid ah dadka aragtidaas qaba, ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka in ay ka gaabisay howlgalka ka dhanka ah meelaha ay Al-Shabaab ku diyaariso qaraxyada.

Afar weerar oo saddex kamid ah ay is-miidaamin ahaayeen ayaa bishaan bartamaha mareysa ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhintay tobanaan.

"Dowlad kasta marka xiligeedu dhamaan rabo weerarada iyo howlaha ay fulinaayaan waa ka badan yihiin marka kale; lixda bil ee soo socota aad bey khatar u tahay, in muddo ah ayay is-diyaarinayeen oo aan annagu u qabnay in aan ka reynay oo maadaama aan wax dhaceyn," ayuu ku yiri BBC.

Soo celinta kalsoonida shacabka ku qabo ciidamadda si lamid ah amniga iyo siyaasada oo la isla maareeyo ayuu ku qeexay xalka ugu dhow.

"Xuquuqdii xorriyadda hadii dowladda ka qaadeyso horumarsan yihiin, kuwaan kalena xuquuqdii nafta ka qaadeyso; laba xuquuq ayaa qofka ka maqnaaneyso; marka dowladda amniga ilaalineysa xuquuqdooda siyaasiga ah aysan amniga uga baqin muhiim ayay u tahay iyada," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mudadii uu ololaha ku jiray, madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo ayaa balanqaadey in laba sano gudahooda uga adkaan doono Al-Shabaab, cidii qaraxyada soo sheegtana la siinayo abaalgud.

Inta la og-yahay, Al-Shabaab wali waxay ku xoogan tahay qeyb kamid ah waddanka, mana jirto cid lagu abaalmariyey qarax ay soo sheegtey; taas bedelkeeda, saraakiil dowladeed baa loo xiray in ay fududeeyeen.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiraxmaan Tuuryare

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM