Digniin laga soo saarey olole "colaad hurineysa oo ay waddo DF"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Siyaasi Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka digay "olole colaad hurineysa oo dowladda federaalka iyo maamulka ay xooga ku dhisatay ee Galmudug uu ka wado degaano kamid ah dowlad goboleedka".

Xildhibaabkaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa ujeedada laga leeyahay dhaqdhaqaaqaas ku qeexay "si boobkii ay doorashada kula kaceen ay ummadda u ilowsiiyaan".

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa xaqiijiyey in ciidanka Villa Soomaaliya geysay Galmudug ay shalay is hortaag ku sameeyeen wafuud kusii jeeday magaala madaxda Dhuusamareeb.

Wafuuda oo isugu jirtay odayaal, haween iyo dhalinyaro ayaa kamid ahaa taageereyaasha Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, "madaxweynaha" Galmudug garabka Ahlu Sunna.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu daaha kaga rogay in arrintaas ay tahay wax aanan la aqbali karin.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay "in ay si juujuub ah" doorasho ugu qabatay Dhuusamareeb, taasoo uu kusoo baxay Axmed Cabdi Qoor-qoor. Odowaa wuxuu kamid yahay murashaxiinta diidey natiijadaas.

Hoos ka akhriso qoraalka Odowaa

Guriceel ilaa Dhuusamreeb

Sida aan baraha bulshada kala wada soconay, waxaa ciidamadii xamar laga daabulay ee la geeyay deegaanada Galmudug si doorashada loogu boobo ay shalay hor istaag ku sameeyeen, odayaal, haween iyo dhalinyaro reer Galmudug ah oo u socotay si ay uga qayb galaan wicitaan uu u sameeyay Sh Shakir.

Is hortaagaas oo an wax sharci iyo caqli midna cuskanayn, ayay muwaadiniintaasi goaansadeen in ay lug ku tagaan Dhuusmareeb ayaga oo lugeeyay 64 KM, socdayna wax ka badan 10 saacadood.

Sidii aan horayba uga dignay dowladda Federaalka ah iyo nidaamka ay xooga ku dhisatay wax ay colaad ka hurinayaan deegaanadaas si boobkii ay doorashada kula kaceen ay ummadda u ilowsiiyaan.

Hadaba waxaan uga digeynaa in wixii dhib ah ee deeganadaas ka dhaca masuul ka tahay dowladda federaalka ah.

Maamulka Galmudug ee Sh Shakir iyo taageerayaashiisa waxaan ugu baaqaynaa in ay is dajiyaan isna xakameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM