Digniin loo jeediyay Musharaxiinta Somaliland [Dhageyso]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xukuumadda Somaliland ayaa digniin adag u jeedisay Musharaxiinta Xisbiyada Siyaasadeed ee u tartamaya xilka Madaxweynaha mamaulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Ciise Faratoon, ayaa uga digay in Musharaxiinta inay sameeyeen kicin dadweyne iyo rabshado marka lagu dhawaaqo natiijada doorashadii 13-ka bishan la qabtay.

"Natiijada Gudiga Doorashada soo saaro waa inay ku dhaqmaan, oo ay aqbalaan hadii ay sax tahay, hadii ay wax ka qabanayaana ay Gudiga kala xisaabtamaan, waa inay ka feejignaadaan wax kasta oo keeni kara amni darro iyo qalalaase," ayuu yiri Faratoon.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in ay la xisaabtami doonaan musharaxii sameeya fowdo, kicin dadweyne iyo qalalaase marka la shaaciyo natiijada doorashada Madaxweynaha oo maanta la filaya in lagu dhawaaqo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirka ayaa ayaa xusay in hadii xisbiyada ka shakiyaan in ku shubasho dhinac codadka ah ay dhacday ay si toos ah ula xiriiraan Guddiga Doorashada, oo u diyaar ah xalkeeda.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli ka jirto cabsi ku aadan in lagu murmo natiijada doorashada Somaliland, oo sanadka ka adkayd kuwii hore, islamarkaana musharaxiinta eedo kulul isku jeediyeen intii Ololaha ku guda jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM