Dil laga naxay oo Muqdisho ka dhacay [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa saacadihii hore ee maanta oo Arabco ah ku dishay magaaladda Muqdisho kamid kamida Macalimiinta Dugsiyada Qur'aanka Kariimka.

Dilkan oo aad looga naxay ayaa ka dhacay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi kadib markii labo dhalinyaro ah oo bastoolado watay ay madaxa ka toogteen Macalinka xilli uu kusii jeeday Dugsigiisa Qur'aanka oo halkaasi ku yaalla.

Kuwa falka dilka ah geystay ayaa goobta si nabad ah uga baxsaday, iyadoo sida caadada ah ay halkaasu gaareen daqiiqada badan kadib ciidamada dowladda Soomaaliya, oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Lama oga sababta Macalinka loo dilay iyo cida ka dambeysa, balse dhacdadan ayaa noqonaysa mid kamid ah kuwa ku cusub dhegaha shacabka Muqdisho.

Muqdisho, oo ah xaruntii dowladda Federaalka ayaa dhacaya dilal joogto ah iyo qaraxyo, iyadoo ciidamo badan oo boolis ah ay wadooyinka ku sugan yihiin.

Mid kamid ah Saraakiisha sare ee CID-da ayaa xalay ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay nawaaxiga KM-4, halkaasi oo kamida meelaha sida aadka amnigooda loo ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM