Dilal horleh oo ka dhacay Muqdisho xilli amnigu xumaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa labo dhalinyaro ahaa ku dilay saaka Muqdisho, xili amniga Caasimadda uu sii xumaanayay tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadan.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo rag bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen dhalinyaradan, oo la sheegay inay lacago ka qaadi jireen baabuurta halkaasi laga raro.

Ciidamada amaanka dowaldda ayaa daqiiqado kadib gaarey goobta, kadib markii ay baxsadeen kuwa dilka fuliyay oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo dilalka qorsheysan ka geysta magaalada.

Lama oga cid ay katirsan yihiin ragga la dilay iyo sababta loo dilay intaba.

In ka badan 50 qof ayaa lagu dilay Muqdisho tan iyo markii uu Ramadan-ka billowday, iyadoo dilalkaasina qaarkood ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka.

Falalkan amni darro ahaa dhacaya xilli Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay sugeyso amniga magaalada, iyadoo Ciidamo badan oo isku dhaf ah dhigtay wadooyinka, kuwaasi oo gaadiidka ku baara Isgoysyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM