Dilal ka dhacday Muqdsho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilalkaan oo ka kala dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkenlay ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dambeeyay Rag ku hubeysnaa Bastoolado oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dilka koowaad oo ka dhacday degmada Dharkeylay ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Xasan Cali Ibraahim [Gadaay] oo kamid ahaa Ergadii soo doortay Xilldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuum Gadaay ayaa kamid ahaa Odayaashii Xildhibaanada kusoo doortey magaalada Baydhabo ee caasimada Koonfur Galbeed, islamarkaana la dilay isagoo kasoo baxay salaada Taraawiixda xalay oo Arbaco ahayd.

Falka khaarijinta ah ee labaad, ayaa wuxuu isana uu ka dhacay Degmada Howlwadaag, waxaana loo geystay nin magaciisa lagu soo kooba "Jabloos".

Jabloos ayaa la sheegay inuu ahaa Gudoomiyihii Waaxda Saqaawadiin ee degmada lagu dilay, waxaana wararku sheegayaan in lagu dhex-toogtay Makhaayad uu fadhiyay. Labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ayaa fuliyay dilka.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalkaan, balse, Kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah oo ku beegsato xubnaha dowladda aadka ugu dhow iyo Askarta.

Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa howlgallo aan cidna lagu soo qaban ka sameeyay goobaha ay ka dhaceen dilalka qorsheysan xilli ay baxsadeen Dableydii labada qof dishay.

Amaanka caasimada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii xumanaayey tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadan, iyadoo falalka lidiga ku ah amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM