Dilal ka dhacday Muqdsho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilalkaan oo ka kala dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkenlay ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dambeeyay Rag ku hubeysnaa Bastoolado oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dilka koowaad oo ka dhacday degmada Dharkeylay ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Xasan Cali Ibraahim [Gadaay] oo kamid ahaa Ergadii soo doortay Xilldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuum Gadaay ayaa kamid ahaa Odayaashii Xildhibaanada kusoo doortey magaalada Baydhabo ee caasimada Koonfur Galbeed, islamarkaana la dilay isagoo kasoo baxay salaada Taraawiixda xalay oo Arbaco ahayd.

Falka khaarijinta ah ee labaad, ayaa wuxuu isana uu ka dhacay Degmada Howlwadaag, waxaana loo geystay nin magaciisa lagu soo kooba "Jabloos".

Jabloos ayaa la sheegay inuu ahaa Gudoomiyihii Waaxda Saqaawadiin ee degmada lagu dilay, waxaana wararku sheegayaan in lagu dhex-toogtay Makhaayad uu fadhiyay. Labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ayaa fuliyay dilka.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalkaan, balse, Kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah oo ku beegsato xubnaha dowladda aadka ugu dhow iyo Askarta.

Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa howlgallo aan cidna lagu soo qaban ka sameeyay goobaha ay ka dhaceen dilalka qorsheysan xilli ay baxsadeen Dableydii labada qof dishay.

Amaanka caasimada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii xumanaayey tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadan, iyadoo falalka lidiga ku ah amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM