Dilal khaarijinta Daacish oo Muqdisho kusoo laba-kacleeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkastoo Muqdisho ay kamid tahay meelaha ugu amaanka xun caalamka ayaa mudooyinkii dambe laga dareemay neecow nabadeed iyadoo Ciidamada ay ku guuleysteen in wax qarax ah ka dhicin labadii bilood ee kasoo dhaafay.

Falalka khaarijinta ah ayaa dhanka kale noqday kuwa faraha ka baxay, oo habeen iyo maalin lagu dilo magaalada shaqsiyaad bartilmaameed u ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasi oo katirsan Hay'adaha dowladda iyo Odayaasha dhaqanka.

Shalay oo Jimco ahayd waxaa Muqdisho lagu dilay ugu yaraan saddex qof, kuwaasoo Labo kamid ah ay ahaayeen Askar ka tirsan dowladda halka shaqsiga kale la sheegay inuu ahaa Shacab.

Askarta oo ahaa kuwa Canshuuraha qaada ayaa wuxuu ka dhacay dilkooda Isgoyska Afarta Darjiino ee degmada Yaaqshid, iyadoona kooxihii falkaan ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale, Galabnimadii Jimcaha koox hubeysan ayaa waxay duleedka Muqdisho, gaara ahaan deegaanka Ceelaha Biyaha waxay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo la sheegay inuu Arday ahaa.

Alle ha u naxriistee, wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shadoor Daahir Xasan, lama oga sababta loo beegsaday, iyo waxa uu ka shaqeynayay.

Ma jirto cid sheegatay dilalkaan ka dhacay Muqdisho 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasoo imaanaya xili Isgoysadda waa weyn ee Muqdisho lagu soo daabulay ciidamo badan oo amaanka sugaya.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay waxaa kaliya Muqdisho lagu naf-gooyay in ka badan 50 qof, sida la sheegay, kuwaasoo ubadnaa Askar iyo Ergooyin, kuwaasoo ay khaarijiyeen Rag hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM