Dilal qorsheysan oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya

Image
Dableyda ka dambeysay falalkan madax jabiska ah ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba fal oo khaarijin ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen warar loo qaateen ah oo laga helay hay'adaha nabad-gelyadda.

Dabley wadatay mootada labada lugood ee loo yaqaano Fakon ayaa xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile ku dilay Jeneraal Cabdullahi Xusen Warsame (Waran)  oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Kooxo hubeysan oo heybtooda aan wali la aqoonsan ayaa xalay degmada Dharkeenley waxay ku dishay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi oo ahaa Imaamka masaajid lagu magacaabo Dabaqeynka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay si degdeg ah u baxsadeen gacan-ku-dhiigleyaasha ka dambeeyay toogashooyinka kahor inta aysan meesha ay wax ka dhaceen soo gaarin ciidamadda dowladda.

Taliska booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin falalkan lidiga ku ah nabad-gelyadda. Isku-dayo ay warbaahinta dooneysay in ay wax kaga waydiiso arrimahan ayaan guuleysan.

Sidoo kale, ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falalkan. Hase ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Bishan November 7-deeda ayay ahayd markii degmada Dharkeenley ay kooxo hubeysan ku dileen Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow oo la dhashay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshiroow.

Dilalka qorsheysan ayaa kamid ah falalka amni daro ee laga digay in caasimada ka dhici karaan kadib dagaalka ay dowlada iclamaamisay ee ka dhanka ah maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM