Dilalka Muqdisho ay askarta ugu geysteen Shacabka oo la baarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xili mudooyinkii dambe ay isa-soo tarayeen dilalka sida ula-kaca ah ay askarta dowladda ugu geysanayaan Shacabka Muqdisho ayaa waxaa si kulul uga hadlay hogaanka Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee dalka.

Korneyl Xasan Cali Nuur [Xasan Shuute] oo ah Gudoomiyaha Darajada koowaad ee Maxkamada, ayaa ku baaqay in la baaro khasaaraha shacabka kasoo gaara isku-dhacyada Ciidamada ku dhexmara magaalada.

"Xaqiidii ma ahan wax la aqbali karo in la daadiyo dhiigga shacabka, waa in la baaraa oo dadkii ku dhintay isku dhacyada Ciidamada, oo cadaaladda la horkeenaa cid kasta oo ku cadaata falkan," ayuu yiri Shuute.

Shuute ayaa sidoo kale farayaa dhamaan hay'addaha dambi-oogista inay baaritaano ay ku sameeyaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, ayna caddeymo ku filan horkeenan Maxkamada.

Inkastoo uu warkaan ka dhawaajiyay Gudoomiyaha, hadana ma uusan daboolka ka qaaday waxa uu muteysan doono askarigii si bareer ah u toogta Qof shacab ah oo caasimada ku nool.

Maanta ayaa ugu dambeysay oo Askari katirsan Ciidamada dowladda ku dilay Nin Booto Bajaajle ah gudaha degmada Dharkeenley, ee gobolka Banaadir.

Labo maalin ka hor todobaadkan, askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ee degmada Waaberi uu toogtey Darawal Mooto Bajaajle kadib markii ay ku murmeen lacago canshuur ah.

Marka laga soo tago dadka iska horimaadyada Ciidanka ku dhinta, waxaa Muqdisho kusoo kordhayay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan rag katirsan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM