Diyaarad dhaawacyo sidday oo ka degtay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad 15 askari oo ku dhaawacmay dagaal ay shalay Al-Shabaab kula galeen degaanka Abal oo 18 KM u jira degmada Xudur ee gobolka Baay ayaa maanta laga dejiyey garoonka Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciidamadda oo la geeyay Isbitaalada ay maamusho dowladda federaalka ah ay qaarkood dhaawacyadoodu yihiin kuwa "aad u culus".

Dhaawacyadda ayaa la tibaaxay in qaarkood ay kasoo gaareen dhanka lugaha iyo qeybaha sarre ee jirka ayna ku jirto rasaasta ama xabadaha.

"Waxaa Muqdisho loogu soo qaadey maadaama xaaladooda wax looga soo qaban-waayey caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, halkaas oo qaar kale looga soo tagay," ayuu yiri midkood.

Dagaalkii shalay barqadii ka dhacay degaanka Abal ee gobolka Baay oo ahaa mid xoogan ayaa lasoo wariyey in uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey darafyadda diriray.

Taliska Ciidamadda Soomaaliya oo aan soo hadal-qaadin waxyeeladda dhankooda ah ayaa tibaaxay in ay dileen 20 Al-Shabaab kamid ahaa.

Illaa iyo haatan, maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda ayanan wali war kasoo saarin falkaas.

Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ah mid degan. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya waxay tilmaamayaan in dhinacyadda ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cabsi gelinaya shacabka caasimada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM