Diyaarad ka duushay garoonka Muqdisho oo hawada ku cilowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka Turkiga ee Turkish Airlines ayaa dib ugu soo laabtey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kadib "cilad farsamo oo soo wajahdey".

Saraakiil ka tirsan madaarka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciladu tahay in duuliyeyaasha ay waayeen isgaarsiinta.

Muuqaalo iyo sawirro uu arkay GO ayaa muujinaya in markii diyaarada dib ugu soo laabatay garoonka laga daad-gureeyay rakaabka.

"Diyaaradda waxay soo degasho deg-deg ah ay sameysay nus-saac kadib markii ay ka duushay garoonka. Haatan ciladda waa la xaliyey, dib ayayna u bilaabeysaa duulimaadka," ayuu yiri sarkaalka u waramay GO.

Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa gabi ahaanba waxay ka gaabsatay in ay ka hadasho arrintaan kadib xiriiro uu la sameeyay GO.

Hal illo wareed oo ka tirsan shirkadda ayaa Turkish Airlines in duulimaadkan ay la socdeen in ka badan 100 rakaab uu kusii jeeday Turkiga.

Inta la og-yahay waa markii koowaad oo cilad noocaan ah ay soo wajahdo Turkish Airlines xilli horey loo wariyey in ay ku lug-yeelatay shilal yar-yar oo garoonka dhexdiis oo howlwadeeno shaqada looga eryay.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa maamusha shirkad Turkiga laga leeyahay taasoo dhowaan qandaraaska ay u cusbooneysiisay xukuumadda uu kalsoonida kala noqdey Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM