Diyaarad ka duushay garoonka Muqdisho oo hawada ku cilowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka Turkiga ee Turkish Airlines ayaa dib ugu soo laabtey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kadib "cilad farsamo oo soo wajahdey".

Saraakiil ka tirsan madaarka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciladu tahay in duuliyeyaasha ay waayeen isgaarsiinta.

Muuqaalo iyo sawirro uu arkay GO ayaa muujinaya in markii diyaarada dib ugu soo laabatay garoonka laga daad-gureeyay rakaabka.

"Diyaaradda waxay soo degasho deg-deg ah ay sameysay nus-saac kadib markii ay ka duushay garoonka. Haatan ciladda waa la xaliyey, dib ayayna u bilaabeysaa duulimaadka," ayuu yiri sarkaalka u waramay GO.

Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa gabi ahaanba waxay ka gaabsatay in ay ka hadasho arrintaan kadib xiriiro uu la sameeyay GO.

Hal illo wareed oo ka tirsan shirkadda ayaa Turkish Airlines in duulimaadkan ay la socdeen in ka badan 100 rakaab uu kusii jeeday Turkiga.

Inta la og-yahay waa markii koowaad oo cilad noocaan ah ay soo wajahdo Turkish Airlines xilli horey loo wariyey in ay ku lug-yeelatay shilal yar-yar oo garoonka dhexdiis oo howlwadeeno shaqada looga eryay.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa maamusha shirkad Turkiga laga leeyahay taasoo dhowaan qandaraaska ay u cusbooneysiisay xukuumadda uu kalsoonida kala noqdey Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM