Diyaarad sida Maxaabiis kale oo ka dagtay Muqdisho [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaliya - Diyaarad sida Maxaabiis laga soo daayay xasbiyada dalka Libya ayaa saaka oo Arbaco ah kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo tiradoodu gaarayso 13 ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in dedaal dheer kadib oo dowladdu sameysay lagu guuleystay in dadkan lasoo samatabixiyo.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyay dalkooda, ayaa laga soo daayay xasbiyada Tajora iyo Sika ee ku yaalla wadanka Libya, iyadoo arintaasina ay gacan ka siisay dowladda Soomaaliya Hay'adda QM dhanka socdaalka u qaabilsan ee IOM.

Cali Siciid Fiqi oo ah Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa xusay in dadkan la soo daayay ay yihiin kuwii ku jiray xabsiyada ku yaalla goobaha ay gacanta ku hayso Dowladda Lbiya, isagoo xusay in kuwa kale ee kujira gacanta magafayaasha aan loo tagi Karin sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Waxa uu sheegay in ay jiraan boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo rag iyo dumar isagu jira kuwaasi oo Libya loogu haysto madax-furasho, islamarkaana ku jira xabsiyada Kooxaha Tahriibka ka ganacsada ee dalka Libya.

Dhalinyarada qaar ayaa diiday sida uu Safiirka sheegay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, iyadoo doonaya inay u tahriibaan dalalka Yurub, oo ay u marayaan badda Mediterranean ee aadka u halista badan.

Dowladda Federaalka ayaa mudooyinkii dambe dalka dib ugu soo celinaysay muwaadiniin Soomalaiyeed oo ku xirnaa dalalka Itoobiya, Hindiya iyo Libya.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM