Turkiga oo gargaar soo diray, Erdogan oo ka hadlay qaraxii Ex-control

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa Diyaarad military oo ay la socdaan dhaqaatiir usoo dirtay magaaladda Muqdisho, kadib weerarkii shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, kaasoo ay ku dhinteen 79 qof, boqol in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Diyaaradda ayaa saakay oo Axad soo caga-dhigatay garoonka Aadan Cadde, iyadoo halkaasi ka qaadeysa maanta dadka qaba dhaawacyada culus, si loogu soo daaweeyo wadanka Turkiga, oo gargaar caafimaad u fiyay.

Saraakiil katirsan dowladda Federaalka ayaa ku sugan garoonka, oo la filayo in saacadaha soo socda laga qaado dhaawacyada culus, iyadoo kuwa fudud lagu daaweynayo Isbitaallada gudaha Muqdisho.

Diyaaradda ayaa sidoo kale keentay Muqdisho daawooyin kale duwan oo loogu talo-galay in wax looga qabto dhaawacyada jiifa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan [Ex-Digfeer], halkaasi oo shalay ay booqdeen mas'uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gollaha Shacabka Maxamed Mursal.

Dhanka kale, Madaxweyne Edogan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay ee Muqdisho, isagoo sheegay in dalkiisa uu garab-taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, lana qeybsanayo murugada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ismiidaamintii Ex-kontarool Afgooye ku eedeeyay maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab

Dowladda Turkiga ayaa sidan oo kale diyaarado ugu soo dirtay Muqdisho markii ay weeraro ka dhaceen, kadibna ka qaadey caasimadda dhaawacyo badan oo qaarkooda illaa hadda ku jira isbitaallo ku yaalla dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM