Turkiga oo gargaar soo diray, Erdogan oo ka hadlay qaraxii Ex-control

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa Diyaarad military oo ay la socdaan dhaqaatiir usoo dirtay magaaladda Muqdisho, kadib weerarkii shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, kaasoo ay ku dhinteen 79 qof, boqol in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Diyaaradda ayaa saakay oo Axad soo caga-dhigatay garoonka Aadan Cadde, iyadoo halkaasi ka qaadeysa maanta dadka qaba dhaawacyada culus, si loogu soo daaweeyo wadanka Turkiga, oo gargaar caafimaad u fiyay.

Saraakiil katirsan dowladda Federaalka ayaa ku sugan garoonka, oo la filayo in saacadaha soo socda laga qaado dhaawacyada culus, iyadoo kuwa fudud lagu daaweynayo Isbitaallada gudaha Muqdisho.

Diyaaradda ayaa sidoo kale keentay Muqdisho daawooyin kale duwan oo loogu talo-galay in wax looga qabto dhaawacyada jiifa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan [Ex-Digfeer], halkaasi oo shalay ay booqdeen mas'uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gollaha Shacabka Maxamed Mursal.

Dhanka kale, Madaxweyne Edogan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay ee Muqdisho, isagoo sheegay in dalkiisa uu garab-taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, lana qeybsanayo murugada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ismiidaamintii Ex-kontarool Afgooye ku eedeeyay maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab

Dowladda Turkiga ayaa sidan oo kale diyaarado ugu soo dirtay Muqdisho markii ay weeraro ka dhaceen, kadibna ka qaadey caasimadda dhaawacyo badan oo qaarkooda illaa hadda ku jira isbitaallo ku yaalla dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM