Diyaarad waday Mas'uuliyiin katirsan DF oo laga soo celiyay Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad la sheegay inay la socdeen mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo diiday inay ku degto Jomo Kenyatta International Airport, ee magaalada Nairobi shalay oo Talaado ahayd.

Warar hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in diyaarad uu la socday Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale], iyo rakaab kuwaasoo kasoo duulay Garoonka Muqdisho.

Duuliyaha diyaaradda oo ay leedahay Shirkadda Ocean Starts ku wargeliyay rakaabka in Saraakiisha maamulka Garoonka Jomo Kenyatta ay u diideen in diyaaradda uu ku dejiyo Garoonka sababo amni.

Diyaarada ayaa dib ugu laabatey halkii marka hore ay kasoo duushay oo ah Garoonka Aadan Cadde Fiidnimaddii xalay oo Talaado ahayd, iyadoo aysan Saraakiisha dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradda duulista wali wax fahfaahin ah ka bixin falkan.

Balse, wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaan salka ku hayso in diyaaradda ay xili habeen ay gashay Hawadda Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, taasoo keentay in saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta ay diidaan inay soo cago dhigato diyaaradda.

Ma cadda ujeedka socdaalka Wasiir Islow iyo Wafdigiisa, laakiin macluumaad hoose ayaa sheegaya inay halkaasi kulamo ay kula ahaayeen Hay'addo dhanka amaanka ah, gaara ahaan kuwa ka socda Ururka Midowga Yurub xafiiska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM