Diyaarad waday Mas'uuliyiin katirsan DF oo laga soo celiyay Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad la sheegay inay la socdeen mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo diiday inay ku degto Jomo Kenyatta International Airport, ee magaalada Nairobi shalay oo Talaado ahayd.

Warar hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in diyaarad uu la socday Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale], iyo rakaab kuwaasoo kasoo duulay Garoonka Muqdisho.

Duuliyaha diyaaradda oo ay leedahay Shirkadda Ocean Starts ku wargeliyay rakaabka in Saraakiisha maamulka Garoonka Jomo Kenyatta ay u diideen in diyaaradda uu ku dejiyo Garoonka sababo amni.

Diyaarada ayaa dib ugu laabatey halkii marka hore ay kasoo duushay oo ah Garoonka Aadan Cadde Fiidnimaddii xalay oo Talaado ahayd, iyadoo aysan Saraakiisha dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradda duulista wali wax fahfaahin ah ka bixin falkan.

Balse, wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaan salka ku hayso in diyaaradda ay xili habeen ay gashay Hawadda Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, taasoo keentay in saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta ay diidaan inay soo cago dhigato diyaaradda.

Ma cadda ujeedka socdaalka Wasiir Islow iyo Wafdigiisa, laakiin macluumaad hoose ayaa sheegaya inay halkaasi kulamo ay kula ahaayeen Hay'addo dhanka amaanka ah, gaara ahaan kuwa ka socda Ururka Midowga Yurub xafiiska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM