Diyaarada Turkish Airline oo Gargaar bini'aadanimo keenya Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Diyaarad laga leeyahay ay leedahay shirkadda Turkish Airline oo waday gar-gaar ayaa maanta kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu.

Diyaarada  ayaa keentay 60 Tan  oo isugu jira kaalmooyin bini'aadanimo oo ka kooban Cunto iyo Dawo

Guddiga abaaraha qaranka Somalia iyo Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in Kaalmadan ay gaarsiin doonaan Barakacayaasha ku nool kaamamka ku yaalla gudaha iyo duleedka caasumadda Somalia.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak oo todobaadkan booqasho ku yimid Muqdishu ayaa tilmaamay in Somalia ay soo gaarsiin doonaan gurmad deg deg ah oo wax loogu qabanayo abaarta.

RW Veysi ayaa xusay in maalmaha soo aadan ay Muqdishu soo gaari doonaan Diyaarado xambaarsan 11,000 tan oo shixnado gargaar ah, kuwaasi oo ka yimid dowladda iyo shacabka Turkiga.

Turkiga ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatey gurmadkii abaaraha Somalia sanadkii 2011-kii, oo dalka ka jirtay Macluul daran, oo ay ku dhimatay 260,000 oo qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM