Diyaaradaha caalamiga ah oo u hogaan-samay amarka DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyada joogtada ah ku lahaa Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay u hogaan-sameen amarkii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasaaradda Duulista Hawada ayaa Isniintii waxay ku dhawaaqdey in muddo laba todobaad ah la joojiyey duulimaadyada aduunka, talaabadaas oo qeyb ka ah dedaalada ka hortagga faafintaanka Coronavirus.

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka wasaaradaas, ayaa maalintaas u sheegay saxaafada in amarkaas uu fulayo 18-ka Maaj, 2020-ka.

Go'aankaas ayaa yimid saacado kadib markii magaalada Muqdisho laga helay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqaas dilaaga ah. Muwaadin ka yimid Shiinaha ayaa la nool hadda.

Qaar kamid ah diyaaradihii jadwalka ku qornaa ayaa baajiyey, marka laga reebo Flydubai oo laga celiyey hawada maamulka Somaliland, maanta oo Khamiis ah.

Diyaaradan laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa loo sheegay in aysan cago dhigan karin madaarka Cigaal, taasoo ku qasabtay in rakaabkii ay wadday dib ugu celiso magaalada Dubai oo kolkii hore ay ka timid.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka banaanbaxday go'aankaas ayaa ku tilmaamtay in uu yahay "fal argagxiso".

Ehiopian Airlines oo jadwal ku lahayd caasimadda dowladda Puntland ayaanan maanta ka degin garoonka diyaaradaha magaala madaxda Garowe.

Turkish Airlines iyo Uganda Airlines ayaa mar sii horeysay baajiyey duulimaadyo qorshuhu ahaa in ay ku tagaan Muqdisho. Macaamiishooda ayay ku booriyeen in ay la socdaan ogeysiiska dambe.

Mamnuucista duulimaadyadda ayaa kamid ah talaabooyinka ay dunida ka siman tahay ee looga hortagayo xanuunka COVID—19, marka laga soo tago joojinta kulamada dadweynaha iyo fasaxida goobaha waxbarashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM