Diyaaradaha Ciidanka Kenya oo duqayn ka gaystay Duleedka Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia - Diyaaradaha ciidamada cirka ee dowladda Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay maanta deegaanka ay kooxda Al shabaab gacanta ku hayso, oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Diyaaradaha dagaal ayaa Duqeynta la beegsadey saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Kanjaroon, oo 60KM dhanka koonfur uga beegan Kismaayo, waxaana weerarka ka dhashay khasaarooyin badan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan gantaal lagu dhuftay xaruumaha Al shabaab, gaar ahaan kuwa ay tababar ku siiyo dagaalyahaneeda. Dhowr xubnood iyo saraakiil ayaa ku dhimatay weerarka.

Khasaaraha shacabka kasoo gaarey Duqeynt ayaan la ogeyn, waxaana dadka deegaanka ay kusoo waramayaan in xoolo badan, iyo rayid lagu dilay gantaallada diyaaradaha ay ku garaaceen deegaanka.

Al-shabaab ayaa u diidey Dadka in ay ka soo ag-dhawaadaan saldhigyadooda la duqeeyay.

War kasoo baxay Militariga Kenya ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha Helicopters-ka nooca MD-500, islamarkaana ay ku beegsadeen saldhigyada Al shabaab ee Kanjaroon.

Kenya ayaa sheegtay in Al shabaab ay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay weerarka, islamarkaana lagu dilay tiro badan oo dagaalyahano iyo Saraakiil isagu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM