AFRICOM oo sharaxdey duqeynta Idaacada Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka [drones] ayaa lagu waramay in ay duqeeyeen xarunta Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ee qaaradda [AFRICM] oo xaqiijiyey in duqeynta ay dhacdey shalay oo Jimce ahayd ayaa xusay in ay burburiyeen laba dhisme oo maleyshiyadda lahayd. Balse ma carabaabin hadday ahayd Idaacadda Andulus ee Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa xustey in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey howlgalkaas balse waxay tibaaxdey in ay diyaar u tahay baaris hadii sheegashooyin soo if-baxaan.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo kasoo baxdey dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Warbaahinta xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda ayaa isugu jirta Idaacad iyo website [mareeg] - dhamaan waxay ka siman yihiin baahinta macluumaadka maleyshiyadda argagixisada ah.

Howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa horey ugu eedeeyay saxaafadda Al-Shabaab in ay "been abuur" ka faafiyaan weerarada dhanka cirka ee diyaaradaha Ameerikaanka.

Bishii hore ee December 24-keeda sanadkii hore 2020, taliska AFRICOM ayaa shaaciyey in uu duqeeyay dhisme ay Al-Shabaab ku lahayd degmadda Saakow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ku cad bayaanka taliska kasoo baxay waqtigaas, howlgalkaas waxaa "lagu fashiliyey ficilo fool xun" mana jirin khasaaro shacab kasoo gaarey duqeyntaas.

Duqeyntan ayaa waxay noqoneysaa howlgalkii horeeyay ee ay Soomaaliya ka fuliyaan sanadka cusub ee 2021 xilli ay askarta Mareykanka ee waqti xaadirkan ku sugan ay bilaabeen in ay u wareegaan wadamadda kala ah Kenya iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM