Diyaarado Duqeyn ka fuliyay duleedka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUBARAK, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ee ka howlgalka Qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in Duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday 19-kii bishan meel ku dhaw deegaanka Mubaarak, ayaa waxaa lagu dilay labo katirsanaa Al Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay saddex kale, sida lagu sheegay War Saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay Gaari loo maleynayo inay la socdeen dagaalyahanada la dilay iyo kuwa dhaawacmay, oo diyaarad ay ku bartilmaameedsatay nawaaxiga Mubaarak, oo ay maamusho Al Shabaab.

Duqeynta waxaa fuliysay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano [Drone], taasi oo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya inta badan ay ku weeraraan deegaanada Al Shabaab, horeyna ugu dilay hogaamiyaal sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Waa duqeyntii lixaad oo sanadkan oo Mareykanka ka geysto Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badan ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, oo Al Shabaab ay ku xoog badan tahay.

Tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2017, markii uu Madaxweyne Trump bixiyay ogolaanshaha in la la kordhiyo duqeymaha Soomaaliya, waxay AFRICOM fulisay in ka badan 40 weerar, oo ka dhacay deegaanada Al Shabaab ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM