​Diyaarado Duqeyn ka gaystay gobolka Shabeellaha hoose

Image

JANAALE, Somalia- Duqeyn dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacday goob ay maamusho xarakada Al shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeynta oo ay fuliyeen Labo Diyaaradood oo nooca Dagaalka ah, ayaa lala eegtay Saldhig Shabaab ku leeydahay Tuulada Waayo-arag, oo 7KM u jirta degaanka Janaale.

Wararka Warsidaha GO uu ka helay Illo-wareedyo ku sugan Janaale, ayaa sheegaya in Duqeynta kadib Diyaaradaha ku degeen Tuulada Waayo-arag, kadibna dagaal muddo Saacado qaatey la galeen Al Shabaab.

Weli ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas oo ilaa hadda aan la aqoonsan cidda fulisay.

 Deegaanka Janaale waxaa maamula Al Shabaab, oo sannadkii billowgiisa kala wareegtay ciidamada AMISOM iyo SNA.

Militariga Mareykanka ayaa saldhigyo qarsoodi ah ku leh deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose, waxayna dhowr jeer weeraro cirka ah ku qaadeen fariisimada Shabaab ee gobolkaasi.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa sheegtay in ay kala wareegeen ciidamada dowladda Somalia deegaan lagu magacaabo Kabtan-laas, oo ku dhow magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Somalia oo ku aadan duqeynta ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, iyo la wareegista Shabaab ee deegaanka Kabtan-laas.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa noqday halka ugu badan ee kooxdaasi ka gaysato weerarada ka dhanka ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM