Donald Trump oo bixinaya amar saameyn xun ku leh Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump ayaa bixinaya amar ku saabsan in la dabciyo shuruucda ku qasbeysay ciidanka Mareykanka in ay yareeyaan waxyeeladda rayidka ee duqeymaha, sidda ay qortey New York Times.

Wargeyska ayaa ku waramaya in Trump si gaar ah u doonayo in si ku meel gaar ah loo joojiyo xeerkan ka fogaanshaha khasaaraha shacabka kasoo gaara howlgalada ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka iyo Aqalka Cad ayaa diidey in ay ka jawaabaan warbixinta lagu daabacay jaraa'idkan.

Trump oo mar sii horeysay u aqoonsaday Soomaaliya "meel ay cadaawad ka jirto" ayaa ciidanka Mareykanka siiyey awood dheeraad ah, oo ah in ay howlgalo qaadi karaan wargelin la'aan.

Dowladii uu hogaaminayey Barack Obama ayaa soo rogtay shuruucdan oo ciidamada Mareykanka fareysa in ay aad uga taxadiraan waxyeeleynta shacabka ku sugan goobaha bartilmaameedka u ah.

Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyay 59 duqeyn, kuwaasoo uu la beegsaday Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.

Hay'adda Amneyst ayaa dhowr jeer ku eedeysay Mareykanka in weeraro dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey Soomaaliya lagu dilay shacab.

Warbixinta ayaa waxay ku dhaliishay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan mas'uuliyad iska saarin baadigoobka xuquuqda dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaarto howlgalada cirka ee ciidamada Maryekanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM