Donald Trump oo kusii jeeda magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku wajahan magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, sidda ay ku warameyso BBC-da.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee socdaalka Trump, balse waxaa la rumeysan yahay in ay la xiriirto ololihiisa doorashadda 2020-ka.

Qaban-qaabadda soo dhaweynta Trump ayaa lasoo sheegayaa in ay socoto, iyadda ay uga sii horumareen wafdi horudhac u ah safarkiisa.

Minneapolis ayaa ah magaalo ay ku badan tahay Soomaalida, kuwaasi oo lagu waramayo in ay ku kala qeybsameen socdaalka hogaamiyahan.

Inkasta oo kala qeyb-sanaantooda ay la xiriirto in ay ku kala jiraan xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, haddana mid ay ka siman yihiin baa jirta.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, qadiyadda ay ka mideysan yihiin ayaa ah in Soomaaliya ku jirto dalalka uu xayiraadda socdaalka saarey Trump.

Bishii September ee 2018-kii ayuu soo baxay go’aankaasi oo ka mamnuucaya muwaadiniinta Soomaaliya in ay galaan Mareykanka.

Sababtaas awadeed ayaa la sheegayaa in ay abaabulayaan dibadbax ka dhan ah safarka Trump, oo lagu wado in uu maalmaha soo aadan bilowdo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku howlan tahay sidii ay u qaadi lahayd xayiraadaas oo saameyn badan ku yeelatay muwaadiniin dhowr ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM