Donald Yamamoto oo shaaciyey qodobo uu kula heshiiyey Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen danjire Donald Yamamoto iyo ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidda lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda, dhinacyadda ayaa isku fahmay saddex arrimood oo khuseeya doorashooyinka nagu soo fool leh 2020-21, ammaanka, dhaqaalaha iyo dowlad wanaaga.

"Ku faraxsanahay in Maxamed Xuseen Rooble aan ugu hambalyeyno xaqiijinta inuu noqdey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaan maanta ku heshiinay ahmiyada ay leedahay in waqtigiisa lagu fuliyo heshiiska doorashooyinka, dowlad wanaaga iyo sii wadida dib-u-qaabeynta dhaqaalaha iyo ammaanka," ayuu lagu yiri qoraalka.

Heshiiska doorashooyinka 2020-21 oo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda dowladda iyo maamulada ayaa xeerinaya in coddeynta ay noqoto mid dadban oo ku saleysan nidaamka degaan doorashadda.

Sidda laga soo xigtay heshiiskaas Mareykanku kamid ahaa xubnaha riixayey isla markaana fulintiisa loo muddeeyay November, coddeynta waxay ka dhaceysaa laba magaalo iyaddoo ay codkooda ka dhiibanayaan 101 ergo.

Dhaqan-gelinta heshiiskaas waxaa mid kamid ah shaqooyinka ugu horeeya ee horyaala Rooble, 57-jir balanqaadey in uu diirada saari doono qabashada doorasho xor iyo xalaal ah ayna heshiis kuwada yihiin daneeyeyaasha.

Beesha Caalamka oo durtay heshiiska waxay ku sifeysay "mid ka gaabiyey" yoolalkii Soomaalida ku taamayeen oo ay ugu horeysay in dadweynaha ay fursad u helaan in ay soo doortaan hogaanka ay ku aaminayaan waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM