Qorshaha ciidanka Mareykanka looga saarayo Somalia oo dood dhaliyey

Image

WASHINGTON, US – Sheegashooyin iska soo horjeeda ayaa ka dhashay waxay ka dhigan tahay iyo natiijada la filayo marka ciidamadda Mareykanka ay soo gabagabeeyaan joogitaankooda gudaha dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Mareykanka ayaa 14-kii October, 2020 waxay warisay in madaxweyne Donald Turmp uu doonayo in ciidamadda Ameerikaanka ah ee jooga Soomaaliya ay dib ugu laabtan waddankooda hooyo.

Trump ayaa u muuqda mid talaabaya u qaadaya si uu u fuliyo balanqaadkiisa ololihii coddeynta 2016-kii si uu mar kale kalsoonida uga helo shacabkiisa marka loo dareero coddeynta Ameerika 2-da November.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya oo u muuqata mid dooneysa in aysan hayaamin askarta ayaa caddeysay in saameyn toggan laga dhexli karo hadii askarta Mareykanka ay ka baxaan waddanka.

Madaxweyne Farmaajo oo u waramay shabakadda arrimaha ganacsiga ka faaloota ee Bloomberg ayaa sheegay in Al-Shabaab aanan boqolkiiba laga adkeyn, isagoo codsaday in ciidanka Mareykanka ay sii joogan.

Hase ahaatee, mareegga Just Security oo taageeray in ciidamada Mareykanka baxaan Soomaaliya ayaa daaha ka rogay in ay soo soo afjareyso dhibaatada ay shacabka kala kulmayaan duqeymaha dhanka cirka.

Sidda laga soo xigtay warbixin lagu qoray boggan, wallow bixitaankood aysan meesha ka saarin joogitaanka Mareykanka, haddana waxay neecow qabo u tahay tirada sii kordheysa ee rayidka ku dhimaha duqeymaha.

Kaliya sanadkan 2020, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyey 47 weerar oo dhanka hawada ah – waa iskoor cusub – wadarta tan iyo markii Trump xilka qabtay waxay ka dhigeysaa 150 duqeyn.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo baartey sagaal kamid ah howlgaladan waxay warisay in lagu dilay 21 shacab ah, 11 kalana ay ku dhaawacmeen. Taliska AFRICOM wuxuu qirtay qaar.

Ciidamadda Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 700-900 askari kuwaasoo isugu jira cutubyo tababar siiya dhigooda Soomaaliya, iyo qaar kale oo ka qeybgala baacsiga kooxaha argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM