Mas'uuliyiin ku naf-waayey Doon ku qalibmatay bartamaha Soomaaliya

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Ugu yaraan todoba ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ayaa ku naf-waayey Dooni Isniinta maanta ah kulan qalibmatay Webiga Shabelle qeybtiisa gobolka Hiiraan.

Dhowr illo wareed ayaa u sheegay Garowe Online in doonida oo ku rogmatay inta u dhaxeysa degaanka Ceel Jaale iyo Beledwayne ay la socdeen in ka badan soddon qof oo rakaab ahaa.

Wadar ahaan dadka illaa iyo haatan la xaqiijiyey in lasoo badbaadiyey ayaa gaaraya 15 ruux, kuwaasoo isugu jira rayid iyo mas'uuliyiin heer gobol iyo heer maamul goboleed.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale ayaa ku jira shaqsiyaadka lasoo badbaadiyey.

Dahab Xasan Axmed, lataliyihii arrimaha haweenka madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-weyday dhacdadan.

Deeq Axmed, oo u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha bulshadda iyo Sharmaake oo kamid ahaa lataliyeyaasha Waare, ayaa la sheegayaa in uu kamid noqday dadka dhintay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in isla markii Doonidu degtay ay badbaadiyeyaasha ahmiyadda koowaad siiyeen madaxda.

Mas'uuliyiinta ayaa ku wajahnaa Ceel Jaale, halkaas oo kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyay fatahaada Webigga Shabelle oo qaybo kmaid ah wadanka laga dareemay.

Dad ka badbaaday shilka ayaa sababtay keentay in doonto rogmato ku qeexay badi rakaabka oo saarnaa qaybta hore iyo darawalka oo aan xirfad sare lahayn.

Daadadka ayaa ka dhashay rooban mahiigaan ah oo ka da'ay qaybo kamid ah dalka, kaasoo biyo badan dhigay Webiyadda kana dhasheen Fatahaadyo.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadii, 27-ka October 2019, sameysay Guddi, kuwaas oo waajibaadkoodu yahay sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM